NSPCC. Cruelty to children must stop. FULL STOP

Help and advice.

Navigation menu list for sections above the current page
NSPCC Home
Help and advice
Who to turn to
NSPCC Helpline
Help by phone
Help in Greek
Help in Turkish
Help in Somali
Help in French
Help in Italian
Help in Arabic
Help in Spanish
Help in Chinese

Khadka tilifoonka ee Ilaalinta Ilmaha ee NSPCC (NSPCC Child Protection Helpline)

Miyaad ka walaacsantahay ilmo halis ugu jira in la faraxumeeyo ama u baahan caawimo?

Si aad u hesho caawimada iyo talada dad khibrad leh tilifoon u dir Khadka tilifoonka ee Ilaalinta Ilmaha ee NSPCC 0808 800 5000.

Shaqaalahayaga tilifoonka caqli-celinta ku sameeyaa dhammaan waxa weeye saraakiil loo tababaray ilaalinta ilmaha. Wax kasta oo aad u sheegto inta aad la hadlayso si qarsoodi ah ayay u hayn doonaan.

Haddii aad doonayso inaad ku hadasho af Soomaali ama af kale oo aan Ingriisi ahayn, waydiiso qof saaxiib ah oo aad aamminsantahay inuu nala hadlo isagoo kuu tarjumaya adiga. Haddii aanad heli karin tarjume, inta badan waanu ku diyaarin karra mid.

Haddii aad dhego la'dahay ama aad dhego culustahay, waxanu haynnaa adeeg farriimaha qoraal la isugu diro oo lacag la'aan ah 0800 056 0566.

Waa maxay Faraxumaynta ilmuhu?

Faraxumaynta ilmuhu waa marka qof weyni uu waxyeello u gaysto ilmo ama qof dhalinyaro ah oo da'diisu ay ka yartahay 18 sano. Tani waxay noqon kartaa faraxumayn jidhka ah, faraxumayn galma ah, naxariis-darro xagga maskaxda ah iyo dayac. Faraxumaynta ilmuhu waxay u keeni kartaa ilmaha waxyeello mudada dheer ah, iyo xitaa dil. Maaha wax samayntiisa marna dadka laga qancin karo, marka la eego bulsho kasta iyo dhaqan kastaba.

Si aad u hesho war dheeraad ah oo ku saabsan faraxumaynta ilmaha, guji halkan.

Innagoo wadajir ah waynu joojin karraa naxariis-darrada lagu sameeyo carruurta

NSPCC waa hay'ad sadaqad loo abuuray oo dalkan UK horseed u ah inay ku takhasustay ilaalinta ilmaha iyo ka hortagga naxariis-darrada carruurta lagu sameeyo. Ujeedadayadu waxa weeye inaanu joojinno naxariis-darrada carruurta lagu sameeyo. (12)JOOJIN BUUXDA. Laakiin ma hirgelin karro tan keligayo. Waxannu u baahannahay taageerada iyo ballanqaadka fulinta ee qof kasta, oo ay ku jiraan kooxaha kala sinjiga iyo dhaqanka duwan ee ku nool dalkan Ingriiska. Wadajir waynu u joojin karraa naxariis-darradan lagu sameeyo carruurta.(13)JOOJIN BUUXDA.